Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) oo Si Rasmi ah u Daah-furtay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Posted on February 26, 2026

Event Date: February 25, 2026

Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, kaas oo noqday barnaamij sanadle ah oo si weyn uga dhex muuqda howlaha ruuxiga iyo tacliineed ee Jaamacadda.

Munaasabadda furitaanka oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan maamulka sare ee Jaamacadda, macallimiin, culumaa’udiin, iyo arday tiro badan. Ujeeddada tartankan ayaa ah dhiirrigelinta barashada, xifdinta, iyo ku dhaqanka Qur’aanka Kariimka, iyada oo ardayda lagu abuurayo tartan aqooneed oo ku saleysan qiyamka Islaamka iyo akhlaaqda suuban.

Tartankan oo sanad kasta la qabto inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxa uu ka mid yahay barnaamijyada Jaamacaddu ku kobciso tayada ardaydeeda, isla markaana ay ku xoojiso xiriirka ka dhexeeya diinta iyo waxbarashada casriga ah. Maamulka Jaamacadda ayaa mar walba muujiyay muhiimadda ay siinayaan barbaarinta ruuxiga ah, iyaga oo aaminsan in aqoonta iyo akhlaaqdu ay wada socdaan.

Sanadkan, tartanka waxa ka qaybgalaya ku dhowaad konton (50) arday oo ka kala socda kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda. Ardaydan ayaa muujiyay dadaal iyo karti muuqata, iyaga oo si hagar la’aan ah ugu diyaar garoobay tartanka, una muujiyay jacaylka ay u qabaan barashada iyo xifdinta Kitaabka Alle. Marxaladaha tartanka ayaa isugu jiri doona akhris, xifdin, iyo tartan su’aalo aqooneed oo la xiriira tafsiirka iyo tajwiidka Qur’aanka Kariimka.

Guddoomiyaha Jaamacadda iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka ayaa khudbado dhiirrigelin ah ka jeediyay munaasabadda, iyaga oo ku bogaadiyay ardayda ka qaybgalaysa tartanka, kuna boorriyay in ay sii wadaan dadaalkooda. Waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in tartankani aanu ahayn oo kaliya mid lagu kala sarreeyo, balse uu yahay fursad lagu kasbado ajar iyo horumar ruuxi ah.

Ugu dambeyn, Maamulka Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) waxa uu si kal iyo laab ah ugu rajaynayaa dhammaan ka qaybgalayaasha guul iyo horumar, isaga oo Alle uga baryaya in uu ka dhigo tartankan mid miro-dhal u noqda ardayda, macallimiinta, iyo guud ahaan bahda Jaamacadda.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Ramadaanka ayaa weli socon doona maalmaha soo socda, iyadoo la rajaynayo in gebogebadiisa lagu soo afjaro xaflad abaal-marin iyo shahaadooyin lagu guddoonsiin doono ardayda ku guuleysta kaalmaha hore.